Dawlad waliba dhaqaalahoodu wuxuu ku tiirsanyahay canshuuraha ay ka aruuriso Muwaadiniinteeda, Sababtoo ah daqliga ugu badan wuxuu kasoo galaa dowladda waa Canshuurta, markaas ayey dowladdu qarash ahaan u isticmaalaan.
Dowladdu Canshuurtaasi ay shacabkeeda ka qaado markale ayay dib waxa ay ugu celisaa Bulshada, si wax loogu qabto adegyadi Aasaasiga ahaa .
Hadaba Shacabka Puntland Mayihiin kuwo ubixiya Canshuurta sidii ku habooneed ? Dowladdu se dib maugu celisaa Muwaadininteeda Canshuurta ay ka qaado oo ma ku qabataa Adeegyadii Aasaasiga ahaa ?
Hadaba Mowduucaasi waxaa looga hadlay maanta Barnaamijka Muqaalka Bulshada ee Radio Daljir .Shacabka ku dahaqan Maalooyinka Bosaaso iyo Qardho ayaa sidan aragtidoda ku cabiray .
COMMENTS