Guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxwaynaha Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ujeedka booqashada ayaa ku salaysan kor u qaadista xiriirka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe iyo wada shaqaynta dhanka ammaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa kusoo dhoweeyey magaalada Baydhabo madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo golayaasha xukuumadda.
COMMENTS