Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusii jeeda xarunta Midowga Yurub ee Brusless

Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusii jeeda xarunta Midowga Yurub ee Brusless

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Brusless ee dalka Biljamka ahna xarunta guud ee Modowga Yurub.

Waxaa socdaalkiisa ku wehlin doona xildhibaano, wasiiro iyo danjireyaal, iyadoona arrimaha socdaalkiisa uu la xiriiro uu yahay ka qaybgalka shirka Iskaashiga Caalamka ee 17ka bishaan furmaya, kaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Soomaaliya iyo taageeridda qorshaha nabad galyada ee dalka.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kalle kulanka uu ku horgayn doonaa waxyaabaha u aqabsoomay xukuumadda uu hogaamiyo iyo taageerada looga baahanyahay beesha caalamka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com