Wasiir Ducaalle “Dadka diidan waddooyinka la xiro waa kuwa u adeegaya Al-shabaab”

Wasiir Ducaalle “Dadka diidan waddooyinka la xiro waa kuwa u adeegaya Al-shabaab”

Wasiirka amniga ee dowlada faderaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa waxaa uu eedeeyey shacabka Muqdisho oo diidan inay dowladda ay xirto waddooyinka si loo sugo ammaankooda, taasi oo ay cabasho badan ay ka keenaan shacabku.

“Markii jidadka la xiray nimankaan nabad diidka Al-Shabaab waxay soo dhex galeen shacabka oo ay ka dhex hadal siinayaan, Shabaab waa dad Soomaaliyeed oo anaga nagu dhex jira, waxaa aaminsanahay in waxa meelaha ka hadlaya ay iyaga yihiin, markii  jidadka la dabciyayna waxaa dhacday weerarkii Sabtidii la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiir Ducaale oo wareysi siiyay Telefishinka RTN.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya dadaalo kasta ay qaadaan oo dhanka ammaanka ah ayaa caqabadaha ugu wayn waxaa uu uga yimaadaa shacabka oo dhaliil iyo diidmo xoog leh kaga horyimaada dhaqdhaqaaqyada dowladda ee ammaanka la xiriira, waxaana aad u adag in xal loo helo weerarada Al-shabaabku ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com