Raysal wasaaraha Soomaliya oo sheegay garsoorku inuu madaxbanaanyahay

Muqdisho, Feb 07 – Raysal wasaaraha xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay garsoorka inuu ka madaxbanaanyahay dowladda, waxaana uu si gaar ah uga hadlay xukun maxkamada gobolka Banaadir ay ku riday wariye iyo haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda Soomaliya.

Warsaxaafadeed uu maanta raysal wasaaraha uu kasoo saaray xafiiskiisa ayuu ku sheegay dowladiissu inay ka go’an tahay dhowridda xuquuqda aadanaha, iyadoo taasi ka duulaysa ayuu sheegay in la dhisay hay’ad si gaar ugu xilsaaran dabagalka xuquuqda aadanaha 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dib dowladda ay u eegi doonto kiiskii ay riday maxkmadda gobolka Banaadir ee laba qof oo lasoo eedeeyey wariye iyo haweeynay uu waraystay lagu riday hal sano oo xarig ah midkiiba.

QM, dowladda Mareykanka iyo dalal badan oo saaxiib la ah Soomaaliya ayaa siweyn u cambaareeyey xukunkii ay maxkamadda gobolka Banaadir ay dhawaan ay ku riday wariyaha iyo haweenaydii uu waraystay.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com