M/weynaha Soomaaliya oo maanta xafiiska ku qaabay ergayga AU ee Soomaaliya.

Muqdisho, Feb 13 – M/weynaha dawladda federaalka Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka ururka midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mr. Mahamat Anadif Salih.

Kulanka M/weynaha iyo Wakiilka oo socday wakhti kooban,? ayaa looga wada-hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu miisaan culayd doorka ururka midawga Afrika uu ku leeyahay xoojinta amniga iyo xasilinta Soomaaliya, iyadoo la is tusaaleeyey sidii loo sii taabbo-galin lahaa ammaan la isku hallayn karo ee dalka ka hana-qaada.

Sidoo kale, labada mas’uul waxay ka wada sheekaysteen qorshaha ururka midawga Afrika uu xafiiskiisa hawlgallada uga furtay Muqdisho, taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay tallaabo horay loo qaaday.

M/weynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud, ayaa wakiilka u gudbiyey hambalyo ballaaran oo ku wajahan midawga Afrika, gaara ahaan xafiiskooda hawlgal ee ay Soomaaliya u soo wareejiyeen.

Md. Xassan Sh. Maxamuud, waxaa uu tallaabadaasi ku macneeyey in ay tahay mid taariikhi ah, taabbo-galna u noqon karta fududaynta hawlaha wada shaqayneed ee ururka midnimada Afrika iyo dawladda Soomaalida.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(G)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com