Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kulul uga hadlay markii ugu horeysay Shirkii lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Beljam-ka kaas oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale
Waxa uu sheegay Muuse Biixi in shirkaas loo qabtay Soomaaliya islamarkaana sheegay in shirkaas aan u qalmin Soomaaliland in ay ka qaybgasho,waxa uuna tilmaamay in ay iska diideen kaqaybgalka shirkaas sida uu hadalka u dhigay.
“Deeq iyo adduun siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxaana aanu go’aansannay in aanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqonno, Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taallo haddaan annaga toos naloo siinaynin.”
Hoos ka dhegayso.
COMMENTS
CAQLIGA MUUSAAN LA YAABAA!.
WUXUU LEEYAHAY MUUSE:-HARGEYSA & BURCO XAQBAY U LEEYIHIIN INAY KA GO’AAN KISMAYO & MUQDISHO!.CAJIIB.LKN
LAASQOREY & LAASCANODNA XAQ UMA LEH INAY KA GO’AAN BURCO & HARGEYSA!.
H/JECLOOY MUUSE WAA KAA!.
MUUSE QOL MADOW BUU BISAD MADOW KA RAADINYAA!.
DUNIDU WAA HAL FURSAD, FURSADIINA WAXAY DHAAFTAY 1960/06/26..
LKN WAY KA FIICAN YIHIIN BAHALAHA KOONFURTA ISKU HAYSTA.