Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin haysta dhalashada Ruushka oo Daacish ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin haysta dhalashada Ruushka oo Daacish ah

Labada nin ee Maxkamadda xukuntay ayaa lagu kala magacaabaa Mahad Maxamuud Cabdi (Abuu Yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame (Dr. Raage), kuwaasoo la sheegay inay madax ka ahaayeen Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku mashquulsanaa sidii uu u aas aasi lahaa Koox Daacish ah oo ka howl geli laheyd Koofurta Soomaaliya, waxaana jiray khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo ninka ugu sareeya Daacish-ta Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin.

Ninkan ayaa heysta dhalashada Ruushka, waxaana wiil u dhashay Gabar Chechniya u dhalatay, sidoo kale waxaa uu noloshiisa qeyb ka mid ah ku soo qaatay dalka Suuriya.

Sidoo kale Maxamed Daa’uud oo loo yaqaano Dr. Raage ayaa lagu soo eedeeyay inuu ahaa ninka u qaabilsanaa Caafimaadka iyo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan, waxaana uu ku dhuumaaleysan jiray Suuqa Bakaaraha, isagoo markiisa hore ka ganacsan jiray Daawooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ugu dambeyn Maxkamadda ka akhriyay xukunka, isagoo ku dhawaaqay in raggan lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah, waxaana uu tilmaamay in cidii aanay ku qanacsaneyn u furan tahay Racfaan inay ka qaadato xuk

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com