Magaalada Garoowe Caawa waxaa lafilayaa in ay ka dhacdo Xuska munaasibada 1-August 20 sano guuradii ka soo wareegatay Aas Aaskii Puntland.
Xafladan oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka soo qaybgali doona Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo kusunan Magaalada Garoowe.
Waxaa socota qaban qaabada munaasibada iyadoo maanta si aad ah magaalada looga dareemayay munaasibadan .
1-da August ayaa ubaaqataya khilaaf ka dhashay dhagax dhigii Dekeda Garacad ee Gobolka mudug oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
COMMENTS