Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xafiiska xeer ilaalintu uu ku eedeysay in ay dhac u gaysteen mid ka mid ah xarumaha Shirkada Hormuud.
Askartan laxukumay ayaa waxa ay kala ahaayeen C/kariin Muuse Muxudiin ,Aweys Faarax Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamuud oo dhamaantood ka maqnaa Maxkamada markii uu xukunka uu dhacayay .
Ragan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay dhac hubaysan ay u geysteen Shirkada Hormuud waxayna shirkada ay ka qaateen lacag fara badan oo doolar iyo shilin Soomaali isugu jirtay .
Hadaba waxaa xukunka Maxkamada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Halkan ka dhagayso.
COMMENTS