Wararka naga soo garaya Suuqa wayn ee loo yaqaan Suuq-boocle kuna yaala dagmada Dharkiinle ayaa sheegaya in maanta gabi ahaanba Suuqaasi uu xiranyahay .
Ganacsatada ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in lagu kordhiyay qiimaha Canshuurta , taas oo ay ganacsatada ka biya diideen .
Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dharkiinley oo Suuqa soo galay ayaa markii dambe waxaa ay xireen qaar kamid ah ganacsatadii gadooday .
ilaa iyo hada maamulka degmada Dharkiinley kama uusan hadlin xirnaanshaha Suuqa .
Arintan ayaa waxa ay saameen ku yeelatay dadkii danyarta ahaa ee Suuqaasi ka adeegan jiray iyo kuwii ka shaqaysan jiray .
COMMENTS