Beeralayda deegaanka Dhud ee gobolka Bari ayaa maanta magaalada Bosaaso waxa ay ku soo bandhigeen dalagyada kala duwan ee ka baxa beeralaha ku yaala deegaankaasi .
Madasha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maamulka degmada Bosaaso” kan gobolka ” iyo qaar kamid ah hay,adaha ka shaqeeya arimaha Beeraha .
Beeralayda ayaa goobta ku soo bandhigtay caqabadaha ka haysta dhanka wax soo saarka ,waxayna ka mahad celiyeen Barnaamijyada uu radio Daljir ka diyaariyay wax soo saarka Beeraha Puntland .
Deegaanka dhud ayaa magaalada Bosaaso waxa uu ujiraa ilaa iyo 5kmtr.
Halkan ka dhagayso warbixinta wariye Xasan Heykal uu ka diyaariyay .
COMMENTS