Somaliland oo sii daysay Xoghayihii Xafiiska RW khayre oo Hargeysa ku xirnaa

Somaliland oo sii daysay Xoghayihii Xafiiska RW khayre oo Hargeysa ku xirnaa

Gordhawyd waxaa Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland laga sii dayeey Xabsi kuyaala xoghayihii ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo muddo ku xirnaa Hargeysa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasin Maxamed maanta loo masaafuriyay magaalada Muqdishu.

Cabdiqani Yaasin Maxamed oo ah xogahayaha ra’iisul wasaaree ku-xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo labo toddobaad ah ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Xeer ilaalinta Somaliland waxay sheegeen in sababta loo xiray ninkaasi ayay hayd inuu qaab dhuumaalaysi ah ku joogay magaalada Hargeysa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com