Isimada Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee maanta ku timid Eheladii uu ka baxay Allaha unaxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Suldaanka ayaa ugeeriyooday Rasaas uu ku soo furay Askari katirsan ciidamada Booliska ee degmada Baran xili uu ka yimid degmada Hadaaftimo , wuxuuna Suldaanku uu ku soo wajahnaa martiqaad uu ku magacawnoo in uu udhigo Madaxweynaha dolwadda Puntland iyo wafdigii lasocday.
Ciidamada Amniga ayaa Xabsiga dhigay Askarigii dilka gaystay .
Hadaba sida ay kutimid dhacdadan waxaa Daljir uga waramay Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ah Afahyeenka Isimada Puntland.
Wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .
COMMENTS