Wasiir Cabdikhadar Faarax Shaaciye: “Wasiir Cali Cabdullaahi waa ka beensheegay mashruuca abaaraha …” (dhegayso)

Wasiir Cabdikhadar Faarax Shaaciye: “Wasiir Cali Cabdullaahi waa ka beensheegay mashruuca abaaraha …” (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Dib-u-dhiska ee Maamulka Puntland, Cabdikhadar Faarax Shaaciye, oo wareysi siiyey Radio Daljir waxa uu ku beeniyey hadal uu sheegay wasiirkii iscasilay ee Wasaaradda Deegaanka, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame, uuna ku sheegay in uu fashilmay mashruuc ku saabsan u adkaysiga abaaraha oo ay maalgaliso IGAD.

Wasiir Shaaciye ayaa si kulul u beeniyey warkaas wuxuuna sheegay in mashuucaasi uusan fashilmin ee uu shaqaynayo ayna wasaaraddiisu gacanta ku hayso.

Wasiirka oo hadda jooga Nairobi waxa uu u warramay Axmed Sh. Max’ed ‘Tallman’ oo ku sugan studiyeenna Daljir Bossaso.

Hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com