Heritage :In ajaanib ay dhex gasho madaxda Soomaalida, waxa ay fursad siin karta, danley shisheeye oo mushkiladda daraf ka noqota

Heritage :In ajaanib ay dhex gasho madaxda Soomaalida,  waxa ay  fursad  siin karta, danley shisheeye oo mushkiladda daraf  ka noqota

Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray tallooyin uu ujeedinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo xal u horseedi kara khilaafka ka dhaxeeya labada dhinac oo sababay inuu hakad ku yimaado wada shaqayntii ka dhaxaysay.

Qoraal dheer uu machadku soo saaray ayaa lagu sheegay wada ugu muhiimsan inay tahay loo mari karro xalka khilaafka siyaasadeed ee dalka kajira wada hadal, waxaana uu ka digay machadka in khilaafkan uu ka dhasho inuu kala daato guulihii laga gaaray dowladnimada Soomaaliya ee hadda jirta.

Machadka ayaa dhexdhexaadin ay sameeyaan Beesha Caalamka ku sheegay inay kaliya keeni karto , dhinacyo danley ah oo Beesha Caalamka ka mid ah inay soo dhex galaan oo ay ka faa’iidaystaan oo ay kala daadiyaan guulaha la gaari lahaa.

Hoos ka akhriso.

Copy of Qoraal-Kooban-17-HIPS.10.06.2018

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com