Warshadda Salladaha Badbaado (Garoowe): “Aan deegaanka badbaadino”

Warshadda Salladaha Badbaado (Garoowe): “Aan deegaanka badbaadino”

Magaalada Garoowe waxaa maanta xarriga laga jaray warshad deegaan-u-roon ah, lana magacbaxday Warshadda Salladaha Badbaado. Warshadda ayaa qorshaheedu yahay in ay daboosho baahiyaha salladeed ee dalka oo dhan, oo dhammaan wixii awal bac ama balaastik ka samaynaa lagu baddalo, lana helo ayaga oo ka samaysan dun iyo suuf.

Salladaha warshadda badbaado markii la tuuro waxa ay ku milmayaan deegaanka, una gaysan mayaan deegaanka wax dhaawac ah. Waana taas sababta qalabka ay warshaddu soo saarti u yahay deegaan-u-roon ama “environmentally friendly products.”

Badbaado waxa ay tusaale u tahay nidaamka oranaya waa laga ganacsan karaa, faa’iidana waa laga heli karaa badecooyinka badbaadiya deegaanka dalka. Soomaaliya waa dal dhaqaalihiisu uu ku xiranyahay xoolaha, saas oo ay tahayna ma jirto siyaasad bulsho iyo mid dowlo oo loo mideysanyahay, lana fuliyo si loo badbaadiyo deegaanka, loona daryeelo xoolaha noloshooda iyo nacfigoodu ku xiranyahay daryeelka deegaanka.

Shirkadda Towfiiq ayaa ah maalgashadaha ugu weyn ee Warshadda Badbaado Garoowe.

  

  

 

Daawo warshadda oo shaqaynaysa

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com