Banaanbax looga soo horjeedo dilaalka qorsheysan oo Gaalkacyo kadhacay

Banaanbax looga soo horjeedo dilaalka qorsheysan oo Gaalkacyo kadhacay

Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo dilalka qorshaysan ee ka dhaca gobolka Mudug gaar ahaana magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Dibad baxan maanta oo hormuud u ahayeen Bahda Ciyaaraha ee degmada Gaalkacyo iyo Haweenka ayaa dadkii mudaharaadkaas samaynayey ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalka dhalinyarada loogu gaysanaya Gaalkacyo.

Dadkii dabad baxaas dhigayey ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay kamid tahay Dooni Mayno Odayaasha iyo Halku dhegyo kale kuwasoo ay uga dalbaneyeen dawlada in wax laga qabto dilalka qorshayn ee ka dhacay Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gobolka Mudug Maxamed Muuse Salwe oo ka qayb galay Dibad baxii maanta ayaa sheegay inay dhalinyarada Ciyaartoydu aad uga xunyihiin dhacdadii lagu dilay Xaamid Cabdulaahi Wardheere oo lagu dilay Gaalkacyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com