Al-shabaab oo guul ka sheegtay qaraxii Kismaayo xili Madaxweynaha Jubba ku baaqay dagaal (MAQAL)

Kismaayo, September 13, 2013 – Ururka Al-shabaab ayaa weerar la qorsheeyey ku tilmaamay qaraxii shalayto ka dhacay magaalada Kismaayo, kaas oo lala eegtay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) iyo wefdi la socday xili? ay soo noqdeen Muqdisho.

Sheikh Cabdicasiis Abu Muscab oo ka mid ah afhayeenada ururka al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii shalay ay ugu talo-galeen madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, isla markaasna ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Wuxuu sheegay in ay weerarkaas ku dileen ilaa 7 sarkaal oo ka tirsan ciidanka iyo madaxda maamulka Jubba isla markaasna ay dhaawac ku gaarsiiyeen 10 kale, wuxuu intaas ku daray in ay bar-tilmaameed ka dhigteen baabuurka Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo la hadlay war-baahinta gelinkii dambe ee shalay weerarka kadib, ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin khasaare buuran oo uu weerarku geystay.

? Wax aniga isoo gaaray ma jiraan wararkii la ?shaaciyey waa been abuur, weerar culus wuu ahaa qaraxa laakiin khasaare buuran ma geysan? ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe wuxuu ku dhawaaqay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cadowga umada Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in ay ka sifeyn doonaan gobollada Jubba

Qaraxa ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay marka laga yimaado wararka is diidan ee ka soo baxay maamulka Jubba iyo Al-shabaab, saxafiyiin ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyey in ay arkeen meydadka 6 ka tirsan illaalada Axmed madoobe iyo dad rayid ah wakhtigii Qaraxa

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO:- Afhayeen Abu-Muscab oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Kismaayo

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com