Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga. Mevlut Cavusoglu ayaa warbaahinta dalkaasi Turkiga u sheegay inay Caalamka u soo bandhigi doonaan Natiijadda baaritaankoodii ku aadanaa dilkii wariye Jamaal Khashoggi.
Waxa uu sheegay Wasirka in ay gacanta ku hayaan cadaymo rasmi ah oo muujinaya qaabki foosha xumaa ee loo dilay Jamaal Khashoggi, ayna la wadaagi donaan Natiijada baaritaanka beesha caalamka .
Dilka wariye Jamaal Khashoggi ayaa waxaa aad looga hadal hayaa caalamka oo idil ,waxaana socda cadaadiska lagu hayo dowladda Sacuuduga .
Wariye Jamaal ayaa 2-dii October ee sanadkan lagu dilay Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.
Daljir kala soco wararka Jamaal Khashoggi, geeri iyo nololba.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS