Dowladda oo daryeel Caafimaad ufidisay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Dhumay (dhegayso)

Dowladda oo daryeel Caafimaad ufidisay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Dhumay (dhegayso)

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho  waxaa maanta laga dajiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool .

Dhaawacyadan oo tiradooda ay gaarayso 22 qof ayaa waxaa laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo qaba dhaawacyo culus .

Dadkan ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaali doonaa Isbitaalda Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Mas,uuliyiintii la socotay diyaaradii siday dhaawacyada waxaa kamid ahaa Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka Bada Soomaaliya  mudane C/laahi Bidhaan Warsame .

Dhegayso.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com