Darawalada gaadiidka Xamuulka qaada oo ka cabanaya canshur lagu kordhiyay (dhegayso)

Darawalada gaadiidka Xamuulka qaada oo ka cabanaya canshur lagu kordhiyay (dhegayso)

Qaar kamid ah darawalada gaadiika xamuulka qaada ee isga kala goosha gobolada Puntland ayaa ku xaniban kaantaroolka magaalada Garoowe laga soo galo.

Darawalada  gaadiidkan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan  lacago canshuur  horumarin ah oo lagu kordhiyay .

 

lacagta laga qaadi jiray  darawalada ayay sheegen in ay ahayd  dhan 200 oo kun oo shilin Soomaali ah oo ,taas oo ahayd horumarita degmada  raalina ay ku ahaayeen, balse maamulka degmada Garoowe lacataas ay ku dareen 300 oo kun oo shiln soo maali ah ,taas oo ka dhigan Tootalka guud ee lacagta 500 oo kun oo shiln  Soomaali  ah.

 

Waxa ay sheegen in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagtaasi.

Hadaba Maxamuud Cumar Dheere ,waxa uu kamidyahay darawalada gaadiidka xamuulka ee ku xaniban kaantaroolka Garoowe , wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com