Dowladda Mareykanka oo ka hadashay doorashada Koonfur Galbeed kusoo fool leh bisha soo aadan ee November ayaa sheegtay inay musharax kaliya ku taageeri doonin ololaha doorashada ee deegaamadaasi kasocda.
War kasoo baxay xafiiska Mareykanka ugu qaybsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay taageerayaan dhammaan musharixiinta Koonfur Galbeed ee xilka madaxwaynaha.
Waxaa sidoo kalle xafiiska uu soo dhoweeyey guddiga doorashada ee madaxwaynaha ee dhowaan lagu dhawaaqay.
Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga dareemayaa ololaha ay wadaan musharixiinta madaxwaynaha ee maamulka, waxaana ka mid ah musharixiin iska soo casilay xilal ay ka hayeen dowladda faderaalka si’ay ugu tartamaan doorashada Koonfur Galbeed.
COMMENTS