Ilhan Cumar oo mudooyinkii udambeeyay utar tameysay Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa ku guulaysatay ka mid noqoshada xubnaha Baarlamaanka Aqalka hoose .
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in guusheeda ay ahayd fariin loo dirayay madaxweynaha Mareykanka , maadaama dalka Mareykanka ay ku nool yihiin dad kala duwan.
Xubnihii kale ee Soomaalida ahaa ee utartamayay Aqalka Hoose kana soo jeeday gobolka Minnesota ayaa waxaa ka mid ahaa Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur oo iyaguna ku gulaystay doorashada .
Doorashada dhexe ee dalka Mareykanka ayaa ahayd mid aad u adkeed sanadkan ,waxayna labada xisbi ee dalka Maeykanka ay ku dagaalamayeen cidii labada Aqal aqlabiyada ugu badan yeelan lahayd.
Guusha Ilhaan Cumar ayaa waxa ay Soomaalida u ahayd guul u soo hoyatay ,waxaan Ilhan Cumar looga fadhiyaa in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ay Soomaalida kala kulmaan dadka cadaanka ah .
COMMENTS