Jubbaland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dowladda faderaalka (dhegayso)

Jubbaland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dowladda faderaalka (dhegayso)

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal xiligaan uu la yeesho dowladda faderaalka ee Soomaaliya si loo soo afjaro khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe, iyadoo dadaalo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyadan uu bilaabay raysal wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaley Xuseen iyo wasiirka waxbarashada Jubbland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dowladda faderaalka inay la yeeshaan wada hadal si xal looga gaaro khilaafka jirra.

Waxaa ay sheegeen inaan loo baahneen xiligaan in dib loo celiyo dalka.

Hoos kadhegayso

Dowladda faderaalka ee Soomaaliya iyo dowlaha xubnaha ka ah ayaa khilaafkooda uu soo bilowday kadib markii ay dowladda faderaalka ay sheegtay mowqif dhexdhexaad ah inay ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka oo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada ay ka horyimaadeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com