IGAD oo wakiilka Soomaaliya ee ururka u magcaabay Maxamed Cabid Afeey

Nairobi, December 16, 2013 – Maxamed Cabdi Afeey oo si wayn uga dhexmuuqday siyaasada barriga afrika ayaa loo magcaabay wakiilka urur gobolleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay ururka.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa shaaciyey in wakiilka ururka ee Soomaaliya uu noqon doono Maxamed Cabdi Afeey.

?Afeey waxaan rajaynaynaa inuu wax wayn ka qabto masuuliyada loo dhiibay, waxaana la shaqayn doona ururka.? Ayuu yiri Macalin.

IGAD ayaa muhiimd gaar ah siinaysa Soomaaliya taas oo qayb ka ah sababta masuulkan loogu dhiibay howsha wakiilnimo, sida uu sheegay xoghaye Maxbuub Macalin.

Maxamed Cabdi Afeey waxaa uu horay uga dhex muuqday siyaasada gobolka, waxaana uu mar soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo qayb ka qaatay dadaalo badan oo la galay.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com