Tarsan oo laga Guddoomay waraaqaha Aqoonsiga safiirnimo

Tarsan oo laga Guddoomay waraaqaha Aqoonsiga safiirnimo

Madaxweynaha Dawladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mudane Tarsan oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Danjiraha cusub ee dawladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalka Kenya ayaa isla maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad lagu qabtay magaaladda Nairobi.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho iyo sidoo kale la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com