Askari sanadkii hore arday ku dilay degmada Howlwadaag oo maanta lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho, January 6, 2014 – Kooxda toogashada ciidanka dowladda soomaaliya ayaa maanta si toos ah u toogtay Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo horay u fuliyey dil qof kale oo aan waxba galabsan.

Maanta ayaa la toogtay Maslax Ciise Iimaan oo ay maxkamada ciidamada qalabka sida horay ugu xukuntay dil.

Maslax ayaa sanadkii hore arday ku toogtay degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, ardayda ayaa magaciisa maxkamadu ku sheegtay Cumar Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, saraakiil kala duwan iyo dadweyne ayaa goob joog ahaa barxada iskuul boolisiyo Muqdisho oo ah halka toogashadu ka dhacday.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com