Xiliga la Qabanayo Shirka Cadaado oo la Shaaciyay

Axad, Abriil 12, 2015 (Daljir) — Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta ku shaaciyay xilliga uu furayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia ee ka dhici doona magaalada Cadaado.

Odawaa ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka bishan Abriil, kaddib markii uu shirkan dib u dhac ku yimid Sabtidii lasoo dhaafay oo lagu waday inuu furmo.

“Shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia wuxuu furmi doonaa maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay bishu ku began tahay 15,” ayuu wasiirku kaga dhawaaqay degmada Cadaado oo uu socdaal ku joogo.

Wasiirku ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo uu bixiyay, iyadoo horay ay u sheegeen maamulka Ximan iyo Xeeb oo xaruntoodu tahay Cadaado inay dib kasoo sheegi doonaan xilliga uu shirkan furmayo.

Lama oga illaa hadda in maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Odawaa ay ku heshiiyeen xilliga uu furayo shirka Cadaado iyo in kale, balse tan iyo shalay ayaa wasiirku wuxuu kulammo kala duwan la lahaa xubnaha maamulkaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com