Warbixin uu hadda soo saaray Farxaan Xaaq (Farhan Haq) ayaa lagu muujiyey in Xoghaya Guud ee QM uu ka xunyahay falka cayrinta ee dowladda Soomaaliya la beegsatay Wakiil Nichlos Haysom.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in kalmadda Dowladda Soomaaliya ay u isticmaashay in ay ku cayriso Xoghaye Haysom ee ahayd “Persona non-grata” ama “PNG” aysan ahayn sharci ahaa mid lala beegsan karo UN-ta iyo shaqaalaha QM.
Saas oo ay tahay, haddana Xoghaya Guud ee QM waxa uu diyaar u yahay baa warbixinta lagu sheegay in uu la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna mar dhow Soomaaliya u magacaabi doonaa Wakiil cusub.
Hoos ka akhriso warqadda oo ku qoran luqadda Ingiriiska.
COMMENTS