Musharax Saadiq Eenow oo ka tanaasulay doorashada madaxtinimo Puntland markii 2aad

Musharax Saadiq Eenow oo ka tanaasulay doorashada madaxtinimo Puntland markii 2aad

Musharax Saadiq Eenow oo isku soo taagay qabashada xilka madaxwaynaha Puntland ayaa saakay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, waxaana uu sheegay inuu ka tanaasulay doorashada inuu u tartamo.

Musharaxan ayaa sheegay inuu u tanaasulay musharax Cali Ciise oo maalmo kahor ku dhawaaqay inuu doorashada ka qaybgalayo Puntland.

Eenow ayaa horay doorashadii 2014kii ka tanaasulay.

Musharxiinta madaxwaynaha Puntland ee ka badan afartan musharax ayaa badankooda saacadaha soo socda ka hari doona ololaha doorashada Puntland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com