Laamaha amaanka Puntland oo Amaro ku saabsan dhaqdhaqaaqa Magaalada Garoowe soo saaray (dhegayso)

Laamaha amaanka Puntland oo Amaro ku saabsan dhaqdhaqaaqa Magaalada Garoowe soo saaray (dhegayso)

iyado maalinta beri ah ay dhici doonto doorashada madaxtinimada Puntland ayaa waxaa goor dhoweyd warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Garowe taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in xaalad bandow ah oo xidhiidha dhaq dhaqaaqa baabuurta ah lagu soo rogay shacabka magaalada Garowe laga bilaabo Shanta galabnimo ee maanta ilaa ay ka dhacayso doorashada madaxtinimada Puntland.

dhinaca kale Waxaan jiri doonin wax gaadiid ah oo gudaha magaalada Garowe lagu dhex arki doono ilaa maalinta beri ah, waxaana sidoo kale ciidamo lagu daadiyey qaybaha kala duwan ee magaalada.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay in aysan cidna ka bixi doonin cidna soo gali doonin magaalada Garowe inta ay socoto doorashadu laga bilaabo galabta halka musharaxiinta iyo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland iyaguna loo ogol yahay gaadiid kooban

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com