Siyaasi Faarax Cabduqaadir oo difaacay mucaaradka xukuumadda Farmaajo

Siyaasi Faarax Cabduqaadir oo difaacay mucaaradka xukuumadda Farmaajo

Faarax Cabduqaadir oo horay usoo noqday wasiirka cadaaladda, sidoo kalena ahaa gacan yaraha madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku dhaliilay dowladda  faderaalka inay hab aan wanaagsanayn ula dhaqanto dadka ka faker duwan.

Isagoo hadlayay ayaa waxaa uu ku dhaliilay dowladda faderaalka inay xirto dadka ka faker duwan, qaarna loo hanjabo, qaarkoodna la ceebeeyo, isagoona ku tilmaamay dhaqan ku cusub siyaasadda dalka.

Mar uu ka hadlayay dadka ugu badan ee wax mucaaradsan inay yihiin dad xildoon ah oo horay xukuumadihii hore ula soo shaqeeyey, mar kallena ay doonayaan inay ka mid noqdaan golaha xukuumadda ayaa waxaa uu ku jawaabay.

 

“Sheekada ah hebel baa xildoon ah, hebelaa xukuumaddii hore ku jiray, dad xukuumaddii hore ku jiray baa Xukuumaddan hadda ku jira, dad xukuumaddii hore mucaarad ku ahaa, baa xukuumaddan ka tirsan, dad xukuumaddii hore mucaarad ahaa baa tan mucaarad ku ah, nolosha siyaasadeed ee dadka waa soconeysaa, imisa wasiir ayaa xilka laga qaaday, imise Taliye ayaa xilka laga qaaday, mid Ra’iisul Wasaaraha shalay xil u magacaabay ayaa 3 bilood kaddib xilka laga qaaday, aniga ma qabo mushkiilada in loo muujiyo niman xukumadd, niman hadda xukunka heysta iyo niman ka horeeyay oo xukunka hayay inay is heystaan haba yaraatee ma jirto”

Dowladda faderaalka ee madaxwayne Farmaajo ayaa wajahaysa mucaarad uu hogaaminayo madaxwaynihii xilka kaga horeeyey, kuwaasi oo inta badan sheega in 1991kii dib ugu laaban doono haddii dowladdu ay waxba ka qaban aragtiyahooda.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com