Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo la hadlay shacabka Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo la hadlay shacabka Koonfur Galbeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Maanta ka Jeediyay Masaajidka Madaxtooyadda Koonfur-galbeed Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysay Oo Ku Saabsan Arimaha KG Soomaaliya

Gudoomiyaha Ayaa Ku Dheeraaday Ka hadalka Xaaladahii isbed-bedelka Ahaa ee Ay Soo mareen shacabka KG isaga Oo Soo hadal qaaday Doorashadii Ka Dhacday Koonfur galbeed

” Runtii Waxaan Wada Ognahay in Wax waliba Ay Yihiin Wax Alle Agtiisa Ka Qoran Cabdicasiisna Maalinkii uu Caloosha Hooyadii Galay Ayaa Loo Qoray In uu Madaxweyne Ka Noqdo Maamulka KG Soomaaliya waxaana waajib Ku ah Shacabka in Ay Taageeraan Oo Ay Garab istaagaan ,

“Aniga iyo Wafdiga aan Hogaaminaayo Waxaan Joogi Doonnaa Magaaladaan Baydhabo 2-ilaa 3-maalmood waxaan Sameen Doonaa in aaan Dib u heshiisiin U sameyno Dadka Walaalaha ah Ee Khilaafaadka Yar Yar dhex maray Waxaan idinka codsanaynaa In aad Arimahaas Nabadeenta iyo dib u heshiisiinta ah Nagu Garab siisaan

Gabagabadda Qudbadda Ayaa Waxaa Uu Gudomiyaha Kula Dardaarmay Shacbkii Jamaacada ahaa ee Masjidka Ku sugnaa in Xilli Waliba Ay ahaadaan Kuwa Ixtiraama Shacabkooda Si Hormarkooda Looga Shaqeeyo,

Waxaan Leeyahay shacabka La shaqeeya Hogaankiina Cusub Ee KG Ku Garab istaaga Xaalad Waliba Oo Uu Ku shaqeynayo Maamulka Curdunka ah

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com