Madaxwaynaha Dalka Zimbabwe oo hakiyay ka qaybgalka shir madaxeedka dhaqaalaha oo ka dhacaya Yurub (daawo)

Madaxwaynaha Dalka Zimbabwe oo hakiyay ka qaybgalka shir madaxeedka dhaqaalaha oo ka dhacaya Yurub (daawo)

Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa joojiyay inuu ka qaybgalo shir ka dhacayo qaaradda Yurub, isagoona u hakiyay dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda wadanka Zimbabwe.

Mr Mnangagwa ayaa lagu waday inuu ka qaybgalo shirka dhaqaalaha ee Davos ee dalka Switzerland, kaasi oo ahaa shir madaxeed uu ku raadin lahaa maalgashi inuu u helo wadankiisa, waxaana Isniintii uu dib ugu soo laabtay dalkiisa.

Wasiirada xukuumadda  ayaa sheegaya xisbiga mucaaradka ee MDC inay u adeegsanayaan qiimaha shidaalka inay sare u qaadaan, si’ ay dibadbaxyada rabshadaha leh uu usii socdo, balse xisbiga ayaa dowladda ku eedaynaya dilal banii’aadantinimada ka baxsan inay ku kacayaan.

Qiimaha shidaalka oo sare u sii kaccaya ayaa sababay in dibadbaxyo ay ka dhacaan wadanka Zimbabwe, kaasi oo ka dhacay caasimadda Haraare, waxaana hay’adaha xuquuqda Aadanaha ay sheegayaan in 12 qof lagu dilay weerarka.

Mr Mangagwe oo kusoo laabtay dalkisa ayaa yiri “Waxaan ku faraxasanahay inuu wadanku daganyahay, shacabkuna ay ku dadaalayaan inay u shaqeeyaan” waxaana uu ku daray intaasi.

Hoos kadaawo Iqra Saciid Xasan ayaa soo jeedinaysa

Madaxwaynaha Zimbabwe oo baajiyay shir muhiim ah oo dalkiisa uga qaybgali lahaa Yurub, Iqra Saciid Xasan ayaa faahfaahinaysa

Madaxwaynaha Zimbabwe oo baajiyay shir muhiim ah oo dalkiisa uga qaybgali lahaa Yurub, Iqra Saciid Xasan ayaa faahfaahinaysa

Posted by Radio Daljir on Tuesday, January 22, 2019

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com