Mooshinkii ka dhanka ahaa Jubbaland oo Maanta Baaqday

Isniin, June 01, 2015 (Daljir) — Wararkii Ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegaya inuu baaqday kulan mudanayaasha barlamaanka Jamhuuriyadda federaliga ah ee Soomaaliya ku cod ugu qaadi lahaayeen mooshin dhowaan barlamaanka qaarkiis kakeeneen barlamaanka Jubbaland.

Kulankaan barlamaanka Soomaaliya ku codka ugu qaadi lahaayeen mooshinka kadhanka ah barlamaanka Jubbaland ayaa waxaa baaqashadiisa sabab u ahaa kadib markii xildhibaanadu ay soo dhamaystiri waayeen kooramkii Looga baahnaa.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in si-codka loogu qaado Mooshinkaasi loo baahnaa inay kulanka soo xaadiraan 139 xildhibaan, aysana xildhibaanada kulanka yimid aysan intaas dhamayn sidaas darteedna uu kulankii baaqday.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com