Hogaamiyaha mucaaradka ee Venezuela Juan Guaidó ayaa ku gacan seeray digniin uu soo jeediyay madaxwaynaha wadankaasi oo ku saabsan xiisadda siyaasadeed ee kajirta dalkaasi inay ka dhalan karto dagaal sokeeye oo dalka uu galo.
Mr Juan Guaidó oo isku magacaabay inuu yahay madaxwayaha KMG ah ee dalka Venezuela ayaa taageero wayn ka helay dalalka Mareykanka iyo Yurub.
Maduro ayaa xaalad waali ah ku tilmaamay taageerada Mareykanka iyo isbahaysigiisa ee hogaamiyaha mucaaradka wadankaasi.
Qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa horay usoo jeediyay in la qabto doorasho cusub oo madaxwayne oo ka dhacda wadanka Venezuala, kadib markii doorashadiisii sanadkii hore lagu tilmaamay mid aan cadaalad aan u dhicin, waxaana la tilmaamaya in xisbiyadii mucaaradka ee doorashadaasi ka qaybgali lahaayeen qaarna la xiray, qaarkoodna ay qaadaceen doorashadaasi.
COMMENTS