Boqor Burhaan oo ku Baaqay Shir weyne ay ku kulmayaan hogaanka dhaqanka Soomaaliya

Sabti, Juun 06, 2015 (Daljir) — Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka qayb galay kulan shalay ka dhacay magalada Muqdisho oo Isimadda Soomaaliyeed uga hadlayeen xaalada Dalka gaar ahaan colaada kasoo cusboonaatay xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ee Galgaduud, xaalada Qaxootiga Yaman ayaa ku dhawaaqay inuu Magalada Qardho ku qaban doono shir dhaqan oo wadanka looga hadlayo.

Boqor Burhaan ayaa waxgaradkii kulanka kasoo qayb galay ka cod-saday shirkaasi inay ka aqbalaan kaasoo qabsoomi doono bacdal Haj ka dib ama afar bilood ka dib.

Boqor Burhaan ayaa waxgaradkii kulanka kasoo qayb galay ka cod-saday shirkaasi inay ka aqbalaan kaasoo qabsoomi doono bacdal Haj ka dib ama afar bilood ka dib.

Boqor Burhaan ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Gobalka Galgaduud, kaasoo dhimasho iyo dhaawac sababay, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in waqtigaan laga shaqeeyo horumarka umadda Soomaaliyeed iyo isku xirkeeda.

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in colaadda ay ku soo laa laabatay meelo ka mid ah dalka, loo baahanyahay in qofkasta uu u istaago sidii loo qaboojin lahaa colaadda meelkasta ka mid ah geyiga Soomaaliyeed.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com