Shirka caalamiga ee lagu soo bandhigayo shidaalka Soomaaliya iyo baaritaano ay sameeyeen hay’ado caalami ah ayaa lagu wadaa inuu maanta uu ka furmo London.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay wasaaradda batroolka ee dowladda faderaalka Soomaaliya, shirkado caalami ah oo shidaalka baara iyo khuburo.
Dadka Soomaaliyeed ayaa shaki wayn ka qaba shirkan, iyadoo hadalhanta mucaaradka iyo shacabku yahay in la doonayo in la xaraasho shidaalka Soomaaliya, inkastoo dowladda faderaalka Soomaaliya ay beenisay.
50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km ayaa la filayaa in shirkaan lagu soo bandhigo.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha tartanka ugu jira khayraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka iyadoona horayay shirar kalle duwan u qabatay oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya.
COMMENTS