Farmaajo: Ciidamadu waxay isaga amar qaadan qof lagu dalacsiiyay caddaalad darro (dhegayso)

Farmaajo: Ciidamadu waxay isaga amar qaadan qof lagu dalacsiiyay caddaalad darro (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay rag iyo wiillal ku jira ciidamada dowladda oo darajooyinkooda ciidanimo hooseeysay in la dalacsiiyay oo laga dhigay sareeyo guurto /Janeaal.

Waxaa uu sheegay xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ka codsadaan madaxda in wiilal ciidamada kujira la dalacsiiyo, taasi oo aan ahayn mid ku timid shaqadooda ciidan balse ay ahayd qof jeclaysi.

Isagoo sheegay arrintaasi inay keento askarta qudhooda inay kala darajo saraynin.

Dad ku cusub ciidamada dowladda ayaa loo dalacsiiyay sareeye Guuto, kadib markii madaxda loo geeyey, kuwaasi oo ciidamada muddo kooban kujiray, waxaana loo arkaa mid ciidamada maankooda curyaamisa sida uu madaxwaynuhu qirayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com