Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Puntland ayaa magaalada Bosaaso ku soo bandhigay Ragii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe .
Raga dilka gaystay ayaa qirtay in ay falkan ka dambeeyeen, iyagoona sheegay in ay ku dileen Mobilkii uu watay .
Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse oo Bosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradan ciidamada ay u suurta gashay in ay soo qabtaan kadib baadi goob xoogan oo ay sameeyeen .
Amaanka magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udabeeyay ahaa mid faraha ka baxay tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii maamulihii shirkada P&O ee dekeda Bosaaso.
Ciidamo uu hogaaminayo Taliyana ciidamada Booliska Puntland ayaa lageeyay magaalada si ay amniga u soo celiyaan,waxayna sidookale Bosaaso .
Dhegayso.
Sawiro.
COMMENTS