Xisbiga EPRDF ee Itoobiya oo Mar kale Guul ka Gaaray Doorashooyinkii la Qabtay

Talaado, Juun 23, 2015 (Daljir)_Natiijadii doorashadii guud ee Bishii May ka dhacday dalka Itoobiya ayaa maanta la shaaciyay.Wakaalada AFP oo soo xiganayasa gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka Merga Bekana ayaa shaacisay in xisbiga talada haya ee EPRDF uu ku guulaystay dhamaan kuraastii baarlamaanka dalka Itoobiya.Xisbiga talada haya ee EPRDF ayaa la sheegay inuu helay 546  iyadoo  halka kursi ee dhimana la sheegay inuu isagu ku guulaysanayo.

Tirada guud ee kuraasta baarlamaanka Itoobiya ayaa ah 547.Waa doorashadii sadaxaad ee xisbiga EPRDF ku guulaysto talada dalka tan iyo kolkii xilka laga tuuray taliskii Mengistu Hailemariam.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com