Arbaco, Juun 24, 2015 (Daljir)_ Midowga Yurub ayaa shaaciyay in dalka Uganda ay ka bilabeen tababarida in ka badan 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya .
Ciidamadan la tababaraya ayaa la barayaa ka dagaalanka Magaalooyinka iyo xirfado kale oo muhiim ah sida tababarayaasha Midowga Yurub ay warbaahinta u sheegeen.
“ Howgalkan aanu ku tababarka ku siinayno Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya waxa uu qayb ka yahay tababaradii aan horay u siin jirnay Ciidamada qaranka Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraradda dhaq dhaqaaqa Soomaaliya ka dagaalama ee dowalda ka soo horjeeda ay ka fuliyan gudaha Soomaaliya” Sidaasi waxa lagu yiri warka qoraalka ee ee Howlgalka Midowga Yurub.
Sarkaal ka tirsan Midowga yurub oo lagu magacaabo Colonel Gonzales Elul. ayaa sheegay in mudada tabarka ay qaadan doonto 14 bilood.
Colonel Gonzales Elul ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay sii wadi donaan tababarsiinta Ciidamada dowlada Soomaaliya si ay ugu guulaystaan hanashada amniga dalka Soomaaliya.
COMMENTS