Faransiiska oo Safiirkoodi kala soo baxay Maraykanka iyo xiisadda labada Dal oo Cirka Isku Shareertay

Arbaco, Juun 24, 2015 (Daljir)_ War deg deg ah oo hada lagu shaaciyay qaar kamid ah saxaafada Faransiiska ayaa lagu sheegay in wasiirka arimaha dibada ee Faransiiska Laurent Fabius u yeedhay safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya dalka Faransiiska Jane Hartley si wax looga waydiiyo arinta ku saabsan in Mareykanku basaasay madaxweynaha dalka Faransiiska Hollande iyo labadii madaxweyne ee ka horaysay.

Dukeminti lagu suntay Top Secret oo ka hadlaya  sida Mareykanku u basaasay sadaxdii madaxweyne ee dalka Faransiiska soo maray oo uu kujiro madaxweynaha xili xaadirkan haya talada dalka faransiiska Hollande ayaa waxaa shaaciyay WikiLeaks oo kaashanaya wargeys laga leeyahay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Liberation.

Mareykanku wuxuu sheegay in bartilmaameydku uusan ahayn madaxweyne Hollande.Arintan ayaa laga yaabaa inay mugdi geliso xidhiidhka labada dal.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com