Dibad-bax looga soo horjeedo Dowladda Somaliya oo Garowe ka dhacay

Axad, Juun 28, 2015 (Daljir)_Banaanbax dadku ku muujinayaan siday uga xun yihiin mamulka sharci darada ah ee laga dhisayo magalada Cadaado iyo taageeradda madaxda DFS u muujiyeen ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu qabtay magalada Garowe ee xarunta Puntland.

Banaanbaxaan oo dadwayne faro badani kasoo qayb galeen ayaa waxaa dadka fagaaraha caanka ah ee Baraxada kula hadlay madaxda mamulka Gobalka Nugaal iyo kan degmada Garowe iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.

Dhamaan madaxdii ka hadlay madasha ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeysay in ay fara galin ku hayso xuduudaha Puntland.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com