Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay soo riday laba diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Indiya, kuwaasi oo ay sheegtay inay kusoo xad gudbeen hawadeeda.
Afhayeen u hadlay ciidamada Milateriga Pakistan Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay mid ka mid ah laba diyaaradood inay kusoo dhacday wadanka Pakistan, lana xiray duulihii diyaaraddaasi.
Majirto warar madax banaan oo kasoo baxay dowladda Indiya oo ku saabsan sheegashada dowladda Pakistan.
Labada dowladood ayaa waxaa u dhaxeeya dagaal taariikhi ah, iyagoo ku muransan gobolka Kashmiir.
COMMENTS