Somalia oo Maanta Kenya ka Dacweynaysa Maxkamadda ICC

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Wafdi uu hogaaminayo xeer iaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya ayaa gaarey magaalada Hague ee wadanka Holand si ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ugu gubdiyaan dacwad kadhan ah wadanka Kenya.

Dacwadaan ayaa ujeedkeedu yahay sidii dowladda Kenya uga jawaabi lahayd eedaymo salka kuhayo faragelinta biyaha Soomaaliya iyo inay heshiisyo shidaal baaris ah lagashay shirkado laga leeyahay wadamada caalamka si ay halkaasi shidaal uga raadiyaan.

Xukuumadda Kenya ayaa haysata waqti kusiman sideed bilood maadaama xilliga su’aalaha laga waydiinayo arrintaani ay noqon doonto bisha March ee sanadka 2016-ka, waxaana ay dowladda Federalka ah diiday in arrinta ay labada dowladood xal ka gaaraan.

By; Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com