Masar oo Sheekh oo Caan ah ka Mamnuucday in uu Salaad danbe Tujiyo

Arbaco, Luuliyo 15, 2015 (Daljir) — Wasiirka owqaafta dalka Masar, Muxamed Mukhtaar Jumcah, ayaa qaariga caanka ah ee rer Masar, Sheekh Muxammed Jibriil ka mamnuucay inuu tujiyo ama waxa dacwa ama dhaqdhaqaaq diimeed ah ka sameeyo masaajidada iyo dhammaan barkulanada dalkaas Masar, ka dib marki uu sheekha habeenki xalay si guud oo aan cidna la magacaabin, ducadi salaada tarwaawiixa ugu habaaray, Warbaahinta umadda marin habaabisa, iyo siyaasiyiinta fasahaadka ka shaqeeya, iyo guud ahaan dadka dulmiga wada, in umadda Allaah ka soo qabto.

Ducadan oo uu sheekh Mxamed Jibriil ka duceeyay, masjidka weyn ee caanka ah, ee lagu magacaabo Cumar Bin Al-caas (rc.), ee magaalada Qaahira, ayaa waxa gebiahaan sheekha looga mamnuucay, dhamaan masaajidda iyo meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sidoo kale, waxaa la mamnuucay dhageysiga cajaladihii uu horay u duubay, noocay dooniba ha noqdaane.

Waxaa intaa dheer, in guud ahaan dunida, gaar ahaan dalalka Carabta loo gudbiyay kiiska Sheekh maxamed, iyada oo laga codsaday in ay sidaasoo kale yeelaan.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com