Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa laashay muwaadinimada wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Osama Binladin, kadib qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi.
Go’aankan ayaa yimid maalmo kadib dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday inay abaal marin hal milyan oo doolar ay ku bixin doonto ciddii soo sheegtay halka uu ku suganyahay wiilkan yar.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaamtay inuu noqonayo Hamza Binladin hogaamiyaha mustaqbalka dhow ee Al-Qaacidda.
Wiilkan uu dhalay Binladin ayaa horay u sheegay inuu u aar gudi doono aabihiisa, isagoona beegsanaya dowladda Mareykanka.
Osama Binladin iyo ururkiisa ayaa dunida kusoo kordhiyay dilal iyo qaraxyo aan kala sooc lahayn, taasi oo loo gaysanayo qof walba oo dunida ka nool, taasi oo culimada islaamku si wayn ugu eedeeyeen inay raad ku lahayn dhaqanka Islaamka.
COMMENTS