Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay in aysan jirin dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland .
Axmed Karaash ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Gambara uu dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo maleeshiyaad kale oo ka soo horjeeda maamulka Soomaaliland.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in Puntland markasta ay ka go,antahay soo celinta gobolada Puntland oo ay Soomaaliland gacanta ku hayso.
Jawaabta ka soo baxday Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay maamulka Soomaaliland uu dagaalkii Gambara ku eedeeyay in ay Puntland soo abaabushay
COMMENTS